Allbanaadir.com
NEWS

Dal hakad galiyay isticmaalka Barta X iyo hal arrin oo sababtay

Dowladda Venezuela ayaa dalkeeda si KMG ah uga hakisay isticmaalka barta X ee horey loo oran jiray Twitter, kaddib markii milkiilaha bartaasi uu ka dhawaajiyay hadal ka careysiiyay dowladda Venezuela iyo taageerayaasheeda.

Madaxweynaha dalka Venezuela, Nicolas Maduro, ayaa amar ku bixiyay in muddo toban maalmood la hakiyo barta bulshada ee X , waxaana hakinta barta X sabab looga dhigay hadal kasoo yeeray milkiilaha bartaasi Elon Musk, oo sheegay in doorashadii dalkaasi ka dhacday Madaxweynaha ku shubtay.

Hadalka kasoo yeeray milkiilaha barta X ayaa ka careysiiyay Madaxweynaha dalka Venezuela , waxa uuna Madaxweynaha qaatay go’aan si KMG ah dalkiisa looga hakinayo isticmaalka barta X , isaga oo ciqaab uga dhigaya hadalkii uu milkiilaha bartaasi ka dhawaajiyay.

Doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Venezuela ayaa la sheegay in ay ku guuleestay mucaaradka, hasa ahaatee natiijada doorashada ayaa la sheegay in dhinac kale loo rogay lana sheegay in uu ku guuleestay madaxweynaha talada haya ee  Nicolas Maduro,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan Milatariga Itoobiya oo Dagaal la galaya Al Shabaab oo lasoo sagootiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

S/Guuto C/llaahi Shire (Dool) & Saraakiil kale oo xilal muhiim ah loo magacaabay (Akhriso)

Caydiid Ali

Dahab laga helay buuraha Waqooyiga gobolka Sanaag (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---