Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan , oo si qasab ah looga reebay doorashada tartankii ay ugu jirtay kursiga guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, ayaa taageero u muujisay musharax markii hore loollan adag uu kala dhaxeeyay.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa god dheer ku tuuray damacii xildhibaan Fowsiya Yuusuf ku dooneysay in ay u tartanto doorashada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, waxa ayna dowladda Soomaaliya taa badalkeeda taageertay musharax dowladda Jabuuti wadatay.
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa magaalada Nairobi kulan gaar ah kula qaadatay musharaxa dowladda Kenya la rabto xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Musharax Raila Odinga , waxa ayna Fowsiya Odinga u muujisay taageero iyo garab istaag.
Kulanka dhax maray Xildhibaan Fowsiya Yuusuf iyo Raila Odinga ayey kaga wada hadleen arrimo dhowr ah , gaar ahaan doorashada kursiga Midowga Afrika, waxa ayna Fowsiya u ballanqaaday musharax Odinga in ay ku garab istaageyso doorashada kursigan uu u tartamayo.
Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga, ayaa xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaaga ay u muujisay, waxa uuna Odinga sheegay in rejo badan ka qabo ku guuleysiga kursigan.
Doorashada kursiga guddoomiyaha ururka Midowga Afrika ayaa dhaceysa bisha Febraayo ee sanandka 2025-ka, waxaana kursigan ku tartmaya afar musharax oo kasoo kala jeeda dalalka Kenya, Jabuuti, Muratina iyo Madagaskar, dowladda Soomaaliya ayaana doorashada kursigan ku taageertay Jabuuti.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com