Maamulka gobolka Banaadir ayaa aqalka dowladda Hoose ee Xamar kulan duco iyo Qur’aan Aqris ah ugu sameeyay shuhadadii todobaadkii hore ay xooxaha Khawaarijta Al Shabaab ku xasuuqeeen xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.
Boqolaal ka tirsan howlwadeenada G/Banaadir iyo bulshada caasimadda ayaa salaada Jimco ku tukaday barxada aqalka dowladda Hoose ee Xamar. Waxaana khudbada Salaada Jimco lagu soo qaatay sida ay diinteena suuban u xaaran-tameesay in naf bini-aadam ah la gooyo iyo in falalka guracan ay kooxaha khawaarijta marnaba aysan ka turjumeynin diinta Islaamka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa salaada kaddib markale si kulul ugu hadlay falalka guracan ay Al Shabaab ku beegsato shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxa uuna halkaasi ugu duceeyay dadka, shuhadada, Inta dhaawaca ah iyo guud ahaan muslimiinta dunida.
Al Shabaab ayaa isbuuc kahor weerar ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxa ayna halkaasi ku dileen dad gaaraya 40-qof, halka ay ku dhaawaceen dad ka badan 200-qof, dadkan la laayay ayaana xeebta u tagay nasiino iyo damaashaad.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com