Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Ukraine oo qaaday talaabo ka yaabisay Ruushka

Ruushka ayaa toddobaadkan weerar lama filan ah kala kulmay ciidanka Ukraine, kuwaasoo qaaday tallaabo jahwareer ku ridday Moscow, iyagoo ku guulaystay inay tijaabiyaan difaaca xudduudaha ee daciifka ah.

Ruushka ayaa sheegay in ugu yaraan 1,000 askari oo Ukraine ah oo ay taageerayaan taangiyo iyo baabuurta gaashaaman ay gudaha usoo galeen dhulka Ruushka gobolka Kursk  subaxnimadii Talaadada – taasoo u muuqata mid ka mid ah weerarradii ugu weynaa ee ka dhaca dhulka Ruushka tan iyo markii uu dagaalku billowday, waxaana tan iyo Talaadadiina gobolka uu ku jiraa  xaalad deg deg ah

Markii ciidanka Ukraine ay gudaha u galeen qeyb ka mid ah gobolkan muhiimka u ah Ruushka oo ay ku yaalan aagga laga maamullo haamaha gaas geeya Yurub, inta uu socday dagaalka Talaaladii ciidanka Ukraine ayaa ku dhowaaday   Sudzha, oo ah magaalo ay ku badan yihiin astaamihii Soofiyeedka.

Waxaa ku yaalla taalada aasaasihii Midowga Soofiyeeti ee Vladimir Lenin, si la mid ah magaaladan ayaa muhiim Ruushka , waxaana ku taalla xarunta ugu weyn oo bamka gaaska dibiiciga ah u qaada Yurub iyo sidoo kale xarunta ugu da’da weyn ee nukliyeerka.

Ruushka ayaa wixii ka dambeeyay weerarka ay horumarka ka sameeyeen ciidanka Ukraine, wuxuu qaaday duulaan ballaaran iyo weerarro duqeymo ah oo uu dib ugu xaqiijinayo difaacyada gobolka Kursk, waxaana jira khasaaro badan oo duqeymaha Ruushka ay gaarsiiyeen Ukraine.

Zelensky, Madaxweynaha Ukraine ayaa ku sheegay weerarkan mid ay ku dhadhansiinayaan Ruushka caawaaqibka dagaalka u leeyahay iyo marka dhulkaaga lagu dhex dagaallamayo, halka Putin uu ku eedeyay Ukraine daandaansi ay kala kulmi karto jawaab adag.

Xaaladda dhabta ah ee ka jirta dhulka ayaa ah mid adag in la ogaado, iyadoo tafaasiil yar oo gaar ah ay soo saareen labada dhinac. Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay inay isha ku hayso warshadda Nukliyeerka ee Kursk, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka ee RIA-Novosti.

Related posts

War Saxaafadeed laga soo saaray Khilaafka Dowlada Dhaxe iyo Maamul goboleedyada (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhaqaatiirta Magaalada Gaalkacyo oo talaabo culus qaaday ka dib dilkii Dr. Sakariye

Caydiid Ali

Siciid Joogsade oo sharci daro ku tilmaamay xilka ka qaadistii lagu sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---