Allbanaadir.com
NEWS

Sharciga Doorashooyinka dalka iyo midka Xisbiyadda oo la ansixiyay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, oo shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah.

Shirka golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay labo xeer oo muhiimad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala ah xeerka doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xeerka ururrada iyo xisbiyada siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Labadan sharci ee maanta golaha wasiiradda ansixiyeen ayaa hagi doona hannaanka doorasho ee dalka, waxayna shacabka Soomaaliyeed u suurtagelinayaan inay doortaan madaxda matali doonta qaranka doorashada soo socota.

“Xeerka doorashadu waxa uu farayaa in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhaca, muwaadin kastaa waxa uu xaq u siinayaa in uu u codeeyo qofka doonaya in uu qabto hogaanka dalka” ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda oo faah faahin ka bixiyay xeerarka la ansixiyay.

Afheyeenka Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Jimcaale ayaa intaa ku daray in xeerarka maanta la ansixiy ay dalka ka gudbin doonaan hannaankii hore ee doorashooyinka ee dadbanaa oo mudada dheer lagu soo caana maaliyay dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa doonaya in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, xilli dowladda uu hoggaamiyo u harsan tahay wax ka yar labo sanno, waxaana qorshaha Madaxweyne Xasan oo u muuqda muddo kororsi kasoo horjeeda siyaasiyiin badan oo mucaarad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarun talis cusub oo loo dhisayo ciidanka Dhulka oo maanta la dhagax-dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xubno kamid ah Guddiga xalinta Khilaafaadka oo Shaqada laga eryay & xubnaha cusub oo lagu bedelay !!

admin

Xaflada Caleema saarka Xasan Shikh oo laga deyriyay, Madax ka baaqatay & Warbaahinta oo..

admin
Taboola Ads ---