Maamulka Somaliland ayaa dhibsaday si adagna uga horyimid hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, kaa oo caddeeyay in dowladiisa kasoo horjeedo heshiis beenaadkii ay gaareen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.
War kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin hadalka kasoo yeeray dowladda Masar, waxa ayna sheegeen in hadalkaasi uu ahaa mid marin-habaabin oo wax loogu dhimayo madaxbannaanida Somaliland.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aad uga xun tahay hadalka ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka masar oo ay shir jaraa’id si wadajir ah u qabteen dhigiisa dalka Turkiga. Waxaanay caddaynaysaa in hadalladaasi oo khuseeyay arrimaha heshiiska is-fahan ay yihiin qaar aan sax ahayn, oo marin-habaabin ah isla markaana aan xushmaynayn xuquuqda madaxbannnaanida ee Somaliland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Somaliland.
Maamulka Somaliland ayaa ku celisay in ay ka go’an tahay inuu fulo heshiiska is fahan ee la galeen Itoobiya, . waxa ayna heshiiskaasi Somaliland tilmaantay in uu tiir dhexaad u yahay xasilloonida gobolka iyo iskaashi dhaqaale oo hor leh.
”Waxaa lama huraan ah in la caddeeyo in Somaliland aanay ahayn waligeedna aanay noqon qayb ka mid ah maamulka Muqdisho. Waana dal madaxbannaan oo leh taariikh qani ah , dhaqan iyo hay’ado Dimuqraadi ah” aya alagu yiri warka kasoo baxay Somaliland.
Warka Somaliland kasoo baxay ayaa intaa ku daray ” Xukuumadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa dawladda Masar inay ixtiraamto madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somaliland. Waxaanu xasuusinaynnaa dawladda Masar inay tamarteeda iyo dedaalladeeda diblomaasiyadeed ay ku jihayso dalalka ay xuduudaha wadaagaan ee dhibaatooyinku ka taagan yihiin sida Liibya, Suudan, Falastiin iyo Lubnaan” ayaa lagu yiri warka Somaliland.
Dowladda Masar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn uga horyimid heshiis ay gaareen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya, waxa ayna Masar taageero iyo garab istaag u muujisay dowladda Federaalka Soomaaliya oo heshiiskaasi waxba kama jiraan ku tilmaantay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com