Saraakiisha Taliska Guutada 9-aad Qeybta 60-aad Ciidanka XDS ee Gobolka Bakool kulan ay yeesheen waxay soo saareen amaro ku socda shacabka ku sugan deegaanada uu ka socdo howlgalka ka dhanka ah Al shabaab.
Kulankan waxa ka soo baxay oo la isku afgartay
1-In aysan la macaamilin shacabka Al-shabaab si ay uga badbaadaan dagaalada lagu bartilmaameed sanayo kooxda
2-Inay shacabku ka fogaadaan goobaha Al-shabaab joogto si ay uga nabad galaan howlgalada qorsheysan.
4-In ay la shaqeeyaan ciidanka oo soo gudbiyaan xogaha Al-shabaab iyadoo loo balan-qaadayo in la qarin doono xogtooda.
5- Qofkii xog rasmi ah oo dhameystiran ka keena Al-shabaab waxaa loo balanqaadayaa in la abaalmarin doono.
6-Waxaa loogu baaqay dhammaan Shacabka ku nool goobaha howlgalada ka socdaan ee gobolka Bakool iyo kuwa degaanadooda lagu socdo iney u diyaar garoobaan inay iska dulqaadaan Al-shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee COP 29, kaas oo bisha Nofembar lagu qaban doono magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.