Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo hirgalinaysa Nambarka mideysan ee aqoonsiga canshuuraha

Shirka horumarinta Maaliyadda Dalka ee u dhexeeyay Wasiirada Maaliyadda heer Fadaraal iyo heer Dowlad-Goboleed ayaa maanta looga dooday sidii loo mideyn lahaa lambarka aqoonsiga cashuur-bixiyaha oo muhiim u ah casriyeynta hannaanka dakhliga gudaha.

Dood dheer iyo aragti isdhaafi kadib, masuuliyiintii kulanka ee labada heer ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay isla meel-dhigeen hirgalinta nidaamka mideysan ee lambarka aqoonsiga cashuur bixiyaha oo ay ku jiraan Ganacsiyada, Shaqsiyaadka iyo hey’adaha macaadhdoonka ah.

Hirgalinta hishiiska nidaankan waxaa wadajir u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Related posts

DEG DEG: Qarax goor dhow bartamaha Magaalada Hargeysa (Faahfaahin hordhac ah)

Caydiid Ali

Hogaamiye Muslim ah oo Ruushka ugu baaqay inuu Nuclear ku garaaco Ukraine

Caydiid Ali

Guddiga doorashada heer federaal oo hakiyey doorashada Saddex kursi (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---