Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Waxbarashada oo Dib u eegis ku sameesay go’aan hore

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku shaacisay in ay dib u eegis ku sameysay go’aan horey wasaaradda u soo saartay sanandkii 2019-kii, kaa oo ahaa in aan la aqoonsan doonin waxbarasho jaamacadeed oo ka yar muddo 4-sanno ah .

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu shaaciyay in  laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 07, Agoosto, 2024, la oggolaaday in la tasdiiqiyo shahaadada saddexda sanno ah, ee ardaydii ka qalinjabisay jaamacadaha dalka, sannad dugsiyeedkii 2023-2024, iyo wixii ka horreeyay.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya in aanan marna la aqbali doonin hadda kaddib shahaado saddex sanno ah, wixii ka danbeeyo sannad dugsiyeedka 2023-2024..

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada ayaa jaamacadaha dalka ku fartay in ay u hoggaansamaan fulinta go’aankii Wasaaradda ee soo baxay Maarso, 2019, kaasoo ay ku caddahay inaan la aqoonsan doonin shahaado jaamacadeed oo ka yar 4 sanno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Muhiim ah oo ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Sacuudiga oo baaraya Fadeexad soo wajahday Booliska dalkaas (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Ciidamada Macawisley oo toogasho ku dilay Bashiir Ciidle Barre oo ka mid ahaa..

Caydiid Ali