Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa tababar u soo xirey qaar ka mid ah ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ah ciidanka xasillinta caasimadda.
Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasillinta caasimadda, ayaa waxa uu Wasiirku ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda.
Munaasabadda ciidanka tababarka loogu soo xirayey ayaa waxaa Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ku weheliyey Taliye ku-xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Maxamed Cabdullaahi Kaniif iyo saraakiil ciidan oo kale.
Ciidamada maanta tababarka loo soo xiray oo si gaar ah u tababaran , ayaa loogu tala galay in ay qeyb ka qaataan xoojinta ammaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee lahga sameeyo Muqdisho iyo duleedkeeda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com