Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay Xeer muhiim ah

Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya, oo xildhibaannada la horgeeyay.

Hindise  sharciyeedkan golaha Shacabka la horgeeyay waxaa waxaa cod gacan tag ah ku oggolaatay 138-Xildhibaan,waxaana diiday  afar xildhibaan, halka uu ka aamusay hal xildhibaan kaliya, sidaasma hindisaha ku ansaxay.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee BFS mudane, Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoominayay kulanka maanta ayaa ugu dambayn ku dhowaaqay inuu ansax yahay xeerka ay maanta meel mariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay oo ansixiyay hidise sharciyeedyo dhowr ah oo horey u horgeeyeen qaar kamid ah Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo tagay halka ay ku aasan yihiin Sheekh Daarood iyo Xaaskiisa una duceeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Booliiska Haramcad oo gacanta kusoo dhigay nin weerar geestay

Cabdi Cade

Askar Itoobiyaan ah oo la sheegay in lagu qabtay dagaalkii Kaxandhaale (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---