Allbanaadir.com
NEWS

Kooxo hubeysan oo dil u geestay ganacsade Xuseen Cadaw Maxamuud

Kooxo burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa xalay deegaanka Gugutethu oo hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, waxa ay ku dileen muwaadin  Soomaaliyeed oo ku sugnaa goob ganacsi oo halkaasi kutaalla.

Wiilka ganacsadaha ee la dilay oo lagu magacaabayay Xuseen Cadaw Maxamuud , ayaa loogu galay kaddibna lagu dilay dukaankiisa, burcada hubeysan ayaana la sheegay in dilka kaddib ay dukaanka ka qaateen lacago iyo agabyo kale oo fudud.

Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrka ayaa dilka kaddib goobtaasi gaaray, waxa ayna sheegeen saraakiisha ciidanka hoggaamineysay in ay wadana baaritaanno dilkan ku aadan ayna soo qaban doonaan burcada dilka fulisay.

Dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ganacsiyada ku leh, mana jiraan tillaabooyin dowladda Sourh Afrika qaaday oo wax looga qabanayo dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee loo geesto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynihii hore ee Somalia oo si adag uga hadlay dil fool xun oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Caro ka dhalatay Su’aal ay adag tahay in laga Jawaabo oo arday la weydiiyay

admin

Xog Xasaasi ah: Farmaajo iyo Rooble oo Ku Sigtay In Geddisleyda Shidaalka Fara Madoobeyaan Dalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---