Dalka Nageria qeybo kamid ah waxaa ka dhacay dibadbax ay dhigayeen dad ka careysnaa qiimaha maciishada ee dalkaasi oo sare u kacday, kuwaa oo dalbanayay in dowladda wax ka qabato qiimo kororka ku yi md maciishada.
Qaar kamid ah dadka dhigayay dibadbaxa dowladda looga dalbanayay in wax ka qabato qiimo kaca maciishada ayaa watay calanka dowladda Ruushka, waxa ayna dadkan ku dhax jireen dadkii dhigayay bannaanbaxa.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Nageria, ayaa sheegay in ay tahay fal khiyaano qaran ah in la soo qaato oo la lulo calan dal shisheeye, waxa uuna sheegay taliyaha in falkan uu yahay mid aan la aqbali karin oo ka dhan ah dowladnimada,.
Ciidamada ammaanka dalka Nageria ayaana xabsiga dhigay boqolaal qof oo kamid ahaa dadka dibadbaa dhigayay ee watay calanka Ruushka, waxaana dadkaasi lagu eedeeyay in dalal kale oo cadaw ah gacan kusiinayaan xasillooni darro in laga abuuro Nageria.
Safaarada dowladda Ruushka ku leedahay dalka Nageria ayaa beenisay in ay wax lug ah ku leedahay dibadbaxyada ka socda dalka Nageria, waxa ayna safaarada meesha ka saartay in iyagu hurinayaan dibadbaxayad dalkaasi ka socda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com