Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS musane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Jiddah ee dalka boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen diblomaasiyiinta Soomaaliya u jooga Sucuudiga iyo ururka iskaashiga Islaamka.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa ka qaybgalaya shir aan caadi ahayn oo ay wasiirada arrimaha dibadda dalalka iskaashiga Islaamka OIC ay halkaasi ku yeelanayaan, kaas oo looga hadlayo xadgudubka yuhuuddu ku hayso shacabka reer Falastiin.
Shirka ayaa sidoo kale looga hadlayaa tallaabadii ay Yuhuuddu ku beegsatay kuna dishay hogaamiyihii ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah , kaas oo lagu dilay dalka Iran, tallaabadaas oo xadgudub ku ah madax banaanida Iran.
Bariga Dhaxe waxaa xilligan ka jirta cabsi dagaal weyn oo ka dhax qarxa dowladda Iran iyo maamulka Israa’iil, waxaana jira dedaalo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisada colaadeed ee ka dhax aloosan Iran iyo Israa’iil.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com