Allbanaadir.com
NEWS

Kamala Harris oo xulatay Madaxweyne ku xigeen

Kamala Harris oo ah musharaxa xisbiga Dimuqraadiga, ayaa guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz u soo sharraxday jagada Madaxweyne ku-xigeenka.

Walz, oo 60 jir ah, oo loo doortay guddoomiyaha gobolka Minnesota 2018 oo ku guuleystay mar labaad doorashada 2022, ayaa keeni doonta inay Dimuqraadiga uga adkaan karaan Jamhuuriga codadka gobolka Midwestern

Tim Walz ayaa kala qeybali doonaa ololaheeda doorasho, iyada oo kan ugu horeeya ee uu kala qeybgalayo uu yahay ololaha ka dhacaya gobolka Pennsynvania.

“Waan ku faraxsanahay inaan idinla wadaago inaan qaatay go’aankayga, kaasoo ah inaan xushay Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz,isaga oo ku biiri doonaa ololaha xisbigeena, isagoo noqonaya ku xigeenkayga” ayay ku tiri Harris, fariin qoraal ah oo ay u dirtay taageerayaasheeda. “Tim waa hogaamiye la tijaabiyay oo leh taariikh cajiib ah oo ah in wax loo qabto qoysaska Minnesota.”

Trump ayaa isaguna hore ugu magcaabay Senator JD Vance ooka soo jeeda Ohio inuu noqdo ku xigeenkiisa intii lagu guda jiray shirweynihii xisbiga Jamhuuriga ee dhacay bishii hore.

Related posts

Farmaajo & danjiraha Shiinaha oo War ka soo saaray xiriirka Taiwan & Somaliland (Sawirro)

Caydiid Ali

Yaa badiyey Xulalka Qaranka Somalia & Itoobiya oo galabta wada ciyaaray?

Caydiid Ali

DF oo shaacisay in duqeyn lagu dhaawacay hogaamiye ka tirsan Al-shabaab (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---