Allbanaadir.com
NEWS

Saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraaq oo la weeraray

Saldhig ciidamada cirka ee dowladda Mareykanka ku leeyihiin dalka Ciraaq ayaa weerar gantaalo ah lagu qaaday, waxa uuna weerarkan abuuray walaac hor leh oo laga qabo in ay kasii darto xiisada xilligan ka taagan Bariga Dhaxe.

Duqeyntan lagu beegsaday saldhigga ciidamada ee Cayn Al-Asad ayaa loo adeegsaday gantaalada loo yaqaan Katyusha, waxaaba la sheegay in duqeyntan dhaawacyo culus kasoo gaareen saddex askari oo katirsan ciidamada Mareykanka.

Duqeyntan ayaana lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen kooxo maleeshiyaad ah oo xiriir dhaw la leh dowladad Iran, kuwaa oo marar badan sidaan oo kale duqeymo ula beegsaday saldhigyo Mareykanka ku leeyahay Ciraaq iyo Syria.

Ciidamada Mareykanka ayaa isbuucii hore duqeyn la beegsaday maleeshiyaad Ciraaqiyiin shiico ah oo taageerto Iran, waxaana duqeynta lagu beegsaday sakldhigga ciidamada Mareykanka loo maleenayaa in jawaab celin u tahay duqeyntii ay geesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Gabriel oo diiday inuu Warqadaha aqoonsiga ka gudoomo danjiraha Israel

Caydiid Ali

Ciidamo dowladeed oo tuulada Karma ku laayey dad ka badan 130 shacab ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay in ay tagaan magaalada uu kasoo jeedo Odinga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---