Allbanaadir.com
NEWS

Shirka Golaha Wadatashiga oo ka dhacaya Kismaayo iyo Sababta keentay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in shirka Golaha Wadatashiga Qaran ay isugu imaanayaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada uu ka dhacayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaana codsaday in shirka markaan uu ka qabsoomo magaalada Kismaayo, maadaama shirarkii hore ay isugu yimaadaan Golaha Wadatashiga Qaran uu ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo horey loo qorsheeyay in uu qabsoomo dhammaadka bishii hore ee July ayaa baaqday, kaddib markii Madaxweynaha Jubbaland ka cudurdaartay in shirkaasi kasoo qeyb galo, maadaama deegaanno katirsan Jubbaland ka socdeen howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.

Sida aan xogta ku heleyno shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Kismaayo ka dhacaya ayaa diirada lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa ka dhacaya dowlad goboleedyada, waxa ayna madaxda maamulada doonayaan in ay qabsadaan doorasho mar kale dib loogu dooranayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey muddo kordhin ugu sameeyay madaxda dowlad goboleedyada oo muddo xileedkoodu dhammaaday, waxa ayna hadda Madaxda maamulada doonayaan in ay qabsadaan doorasho si ay awood u yeeshaan doorashada heer Federaal ee dhaceysa 2026.

Doorashada qof iyo cod uu rabay in Madaxweyne Xasan Sheekh dalka ka hirgaliyo ayaa xilligan wajahaya caqabado xooggan, waxa uuna Madaxweynaha la kulmayaa mucaarad xooggan, isaga oo sidoo kale diidan in doorasho ay mar kale kusoo baxayaan qabsadaan madaxda maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashadii Jarmalka oo lagu kala baxay & natiijo lama filaan ah oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Wasiir Cawad oo Madaxweyne Farmaajo ku matalaya shir maanta furmaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Codsi Muhiim ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade