Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo hal arrin uga Mahad celisay Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macalin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Akadeemiyada Diplomaasiyadeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee ee Turkiga, Prof. Dr. Mesut Özcan

Waxay ka wadahadleen dhinacyada muhiimka ah ee tababarka dublamaasiyadda iyo balaarinta saldhigga aqooneed ee dublamaasiyiinta.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka ka dhexeeya akadeemiyada Turkiga iyo Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliyeed, iyadoo la doonayo in sare loo qaado iskaashiga iyo sidii loo kobcin lahaa isdhaafsiga khibradaha iyo hababka ugu wanaagsan.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada joogtada ah ee ay u fidiyeen in ka badan 80 diblomaasiyiin Soomaaliyeed ah 15-kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna si qiiro leh ugu baaqay in la xoojiyo koorsooyinka heerka sare ah si loo horumariyo khibradaha diblomaasiyadeed.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş. Kullankan ayaa ku soo beegmaya koorsada yar ee dublamaasiyiinta Soomaaliya, kaasoo berri oo Talaado ah ka furmaya magaalada Muqdisho.

 

Related posts

Gudoomiyihii Xamar Weyne oo Xabsiga laga sii daayay kana hadlay xarigiisa

Cabdi Cade

Daawo Sawirada :Madaxweyne Farmaajo iyo Madax kale oo Caawa Warbixin ka dhageestay Guddiyada ….

Cabdi Cade

Yaa ka Dambeeyay weerar lagu qaaday Markab Xamuul oo leedahay dowlada Iran ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---