Xoghayaha Golaha Ammaanka Ruushka, Sergei Shoigu ayaa maanta gaaray caasimadda Iran ee Tehran, halkaasoo la sheegay inuu kula kulmayo madaxda sare ee Iran oo uu ku jiro Madaxweynihii toddobaadkii hore la caleema-saaray eeĀ Masoud Pezeshkian iyo saraakiisha ciidanka Ilaalada Kacaanka.
Wadahadallada u dhexeeya Shoigu iyo Pezeshkian ayaa diiradda lagu saari doonaa amniga gobolka iyo kan caalamiga ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo laga cabsi qabo inay ka dillaacdo bariga dhexe xiisad dhalin karta dagaal weyne ka dhaca, xilli Iran ay isku dayayso inay ka jawaabto dilka madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh ee ka dhacay Tehran.
Ruushka wuxuu la leeyahay Iran, iskaashi wanaagsan oo difaaca ah, iyadoo Tehran ay gaarsiisay Moscow diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo qeyb ka noqday dagaalka uu Ruushka ku jiro ee Ukraine, halka labadii maalin ee u dambeysay uu Ruushka u diray Iran diyaaradaha xamuulka qaada oo aan caddeyn xamuulka ay geeyeen Tehran.