Allbanaadir.com
NEWS

Khilaaf ka dhex curtay ardaydii riday Sheikh Hasina & Milateriga

Taliyaha ciidanka militariga Bangladesh, Jen. Waker-Cus-Zaman ee khudbadiisa la sugayay, kaddib markii dadweynaha ay ku qasbeen inay is casisho, isla markaana isaga baxdo dalka Ra’iisul wasaarihii muddada dheer xukumaysay dalkaas, Sheikh Hasina ayaa wuxuu sheegay in la soo dhisi doono dawlad-kumeel gaar ah.

Waxaa uu ku boorriyay shacabka inay aaminaan ciidanka, oo sida uu yiri dalka ku soo celinaya nabadda.

Intaas ka dib ardayda ka soo horjeeday dawladda Sheikh Hasina iyo kooxda hormuudka ka ah mudaaharaadyada ka dhanka ah Dawladda, waxay soo saareen War saxaafadeed ay kaga soo horjeedaan hadalka taliyaha, iyagoo sheegay in kuwa “kacaanka keenay” ay go’aan ka gaari doonaan cidda talada dalka qabanaysa.

“Waxaan aaminsanahay in xukunka militarigu aanu xal ahayn xilligan. Ardaydii iyo shacabkii kacaanka keenay ee guusha gaaray ayaa go’aan ka gaari doona cidda talada dalka qabanaysa. Sidaas darteed, xukunka militarigu xal maahan xilligan. Ardayda iyo dadweynaha ayaa go’aamin doona cidda loo magacaabayo dawladda ku-meel-gaarka ah. Isku-duwaha ardayda ee dhaqdhaqaaqa ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixin doona arrintan ” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ardayda iyo dadweynaha ayaa u dabaal-deggay riddi-taanka xukunkii Hasina .

Related posts

Duqa Muqdisho oo kormeeray Dhismaha Laamiga cusub ee Dayniile (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy oo Hanjabaad culus kasoo diray jiida hore ee dagaalka

Cabdi Cade

Mucaaradka dowlada Somalia oo hal goob ku wada Sugan iyo Wararkii ugu dambeeyey

admin
Taboola Ads ---