Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan ka xumaaday Maxaabiistii Shabaabka aheyd ee xabsiga ka baxsaday

Xubno maxaabiis ah oo loo xukumay in ay Al Shabaab ahaayeen ayna geesteen qaraxyo iyo dilal ayaa xalay ka baxsaday xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana jira shaki laga qabo in maxaabiistaasi baxsashadooda loo fududeeyay.

Maxaabiista xabsiga ka baxsatay qaarkood ayaa ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen, waxaana baxsaday oo hadda si weyn loo baadigoobayaa afar nin oo kamid ahaa ragga maxaabiista ee ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo.

Xilfhibaan Abdiladiif Muse Nur Sanyare oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horeyna usoo noqday guddoomiyaha gobolka Mudug, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in rag Shabaab katirsan oo saddex sanno kahor xukun dil ah lagu riday sugayayna qisaas in ay baxsadaan.

”Waa wax aad looga xumaado, in gacan kudhiigle  saddex sano kahor dil lagu xukumay, oo ay u harsantahay in la qisaaso, uu xabsiga kabaxsado” ayuu yiri xildhibaan Sanyare.

Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare ayaana ka codsaday laamaha ammaanka maamulka Puntland in baaris lagu sameeyo maxaabiista xabsiga ka fakatay, waxa uuna ku baaqay in ciddii fududeysay in ay baxsadaan gacankudhiiglayaasha caddaaladda la horgeeyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada kasoo jeeda Khaatumo oo looga yeeray Laascaanood iyo Go’aanno kasoo baxay…

Cabdi Cade

Rasaas ka dhax socota Xabsiga weyn ee Hargeysa iyo Maxaabiis hub qaadatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo beenisay in markab ku soo jeeday Muqdisho lagu afduubtay xeebaheeda

Caydiid Ali