Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Sheikh Xasina oo is casishay kana carartay dalkeeda

Ra’isul Wasaarihii dalka Hindia Sheikh Xasina , ayaa iska casishay xilkii ay heysay kana carartay dalkeeda, kaddib dibadbaxyo xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo maalmo badan ka socday qeybo badan oo kamid ah dalka Bangaladesh.

Dad careysan oo u badnaa dhallinyaro ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhigayay dibadbaxyo rabshado watay oo ay uga soo horjeedeen dowladda ay hoggaamiso  Sheikh Xasina, waxa ayna dibadbaxayaasha ugu baaqayeen in ay is casisho.

Ciidamada ammaanka dalka Bangaladesh ayaa toogtay qaar kamid ah dadkii dhigayay dibadbaxyada, waxa ay sidoo kale ciidamada xireen dhallinyaro badan oo hormuud u ahaa dibadaxyada looga soo horjeeday Ra’isul Wasaare Sheikh Xasina.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sheikh Xasina markii ay is casishay kaddib ay ka carartay madaxtooyada, waxaana la sheegay in diyaarad gaar ah oo Helicopter ah in ay u qaadatay dalka Hindiya oo jaar la ah Bangaladesh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada dhaqaatiirta dalka Talyaaniga ugu dhintay cudurka COVID-19 oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Qarax aad u Xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Rasaas la maqlay

Cabdi Cade

Bandhigga warbixinta Sahanka Miisaaniyadda Qoyska Soomaaliyeed oo la Daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---