Wasiirro katirsan xukuumadda , guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa shacabka Soomaaliyeed kala qeybgalay isku soo bax balaaran oo ay ugu soo horjeedaan kooxda Al Shabaab iyo xasuuqii dhallinyarada Soomaaliyeed loogu geestay xeebta Liido ee Muqdisho.
Kumanaan shacab ah oo watay boorar ay ku xardhan-yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah Al Shabaab ayaa isugu yimid xeebta Liido, kuwaasi shacuurtooda ku muujiyay sida ay ugu soo horjeedaan xasuuqa ay kooxda Khawaarijta la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed.
Shacabka ka qeyb galayay dibadbaxa ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna shacabka muujiyeen dareen ah in ay nacebyihiin kooxda arxanka daran ee Al Shabaab ee usoo jeestay leynta shacabka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo ka hadkay dibadbaxa ayaa sheegay in Al Shabaab yihiin cadawga umadda Soomaaliyeed, waxa uuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Khawaarijta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com