Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Afrikan ah oo xiriirka u jartay Ukraine kaddib markii…

Dowladda Mali ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jartay dowladda Ukraine , kaddib markii ay ku eedeesay in Ukraine ay gacan ka geesatay dagaal askar badan lagu dilay oo ka dhacay meel u dhaw xadka ay wadaagaan dalalka Mali iyo Aljeria.

Sargaal katirsan milatariga Mali ayaa sheegay in dagaal ay la galeen kooxo argagaxiso ah ay door ku laheyd dowladda Ukraine, waxaana dagaalkan lagu dilay askar badan oo katirsanaa milatariga Mali iyo koox calooshood u shaqestayaal u dhashay Ruushka oo katirsan Wagner.

Afhayeenka sirdoonka milatariga dalka Ukraine Andriy Yusov,, ayaa todobaadkii hore sheegay in fallaagada dagaalka kula jirta ciidamada Mali iyo kooxaha caawinaya  la siiyay xogta lagama maarmaanka u ah si ay u fuliyaan weerarada.

Korneyl Abdoulaye Maiga, oo katirsan milatariga Mali ayaa isna sheegay in aad uga naxeen sheegashada Ukraine ee ah in gacan siiyeen kooxaha cadawga ah ee kasoo horjeeda, waxa uuna ku eedeeyay  Ukraine in ay ku xadgudubtay madaxbannaanida Mali.

Ruushka ayaa xiriir dhaw la leh madaxda milatartiga ee maamula dalka Mali, waxaana dalkaasi jooga kana dagaallama askar badan oo katirsan kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka kasoo jeeda ee loo yaqaan Wagner.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Caro ka dhalatay Wasiir ka tirsan Isra’iil oo booqday Masjidka Al-aqsa

Caydiid Ali

(Sawirro) Tuugo yaab leh oo ka dilaacday gobol ka tirsan dalka Koonfur Afrika

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo shaaciyay Qodobadii la isku mari waayay Shirkii Garawe iyo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---