Allbanaadir.com
NEWS

Rabshado xooggan oo ka socda UK iyo Keir Starmer oo si adag u hadlay

Dalka Ingiriiska magaalooyin kuyaalla waxaa ka socda dibadbaxyo rabshada wata oo ay dhigayaan dad cunsuriyiin ah, kuwaa oo kasoo horjeeda dadka magangalyo-doonka ah oo ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen dil saddex gabdhood dhawaan loo geestay.

Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa weeraray hoteelo ay degan yihiin dad magangalyo-doon ah , waxa ay sidoo kale weerareen goobo kale oo kuyaalla magaalooyinka ay ka socdaan dibadbaxyada rabshadaha wata, booliiska ayaana xabsiga dhigay boqolaal qof.

Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, ayaa si kulul u dhaleeceeyay dibadbaxyada rabshada wata ee socda, waxa uuna  sheegay inay ka danbeeyaan koox tuugo ah oo midigta fog ah,  isagoo ku hanjabay kuwa rabshadaha wada in ay wajihi doonaan sharci adag..

Waxa uu wacad ku maray Ra’isul Wasaare Keir Starmer, in uu sameyn doono wax kasta oo lagu soo afjari karo dibadbaxyada socda, waxa uuna caddeeyay in kooxaha rabshadaha wada sharciga la horkeeni doono si loo marsiiyo ciqaabta dambiga ay galeen.

“Dadka ku nool dalkan waxay xaq u leeyihiin inay nabad qabaan, haddana waxaan aragnay bulshooyinka muslimiinta ah oo la bartilmaameedsaday iyo weerarrada masaajidda,” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha dalka Ingiriisla

Wuxuu intaa raaciyey in “bulshooyinka kale ee laga tira badan yahay ee la takooray, salaanta Naasiga ee dariiqyada lala istagay, weerarida booliska, rabshadaha ay dhinac socdaan hadalada cunsiyada leh, markaa maya, kama fogaan doono inaan ugu yeero waxa ay tahay: tuuganimada midigta fog.”

Kulan deg deg ah oo looga arrinsanayo xaalada ka taagan magaalooyin kuyaalla dalka Ingiriiska ayaa maanta la filayaa in uu ka qabsoomo aqalka looga arrimiyo UK, kulanka ayaan ala filayaa in ay kasoo baxaan go’aanno adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre Oo Xeraale u tagay si loo hubiyo Dhaqan-galka Heshiiskii Nabadeed (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Agaasimihii Wasaarada Ganacsiga oo sharci daro ku tilmaamay xilka ka qaadista lagu sameeyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Kheyre oo maanta booqasho ku tagaya mid kamid ah xarumaha maamul goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---