Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hal Arin ay ku fashilantay Dowlada Somalia oo sabab u noqday Weerarada Ismiidaaminta ee…

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku fashilantay xakameynta dareeska ciidanka dowlada Soomaaliya oo si fudud gacanta ugu gala dagaalyahanada Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowlada.

Dagaalyahanadii hubeesnaa ee shalay weerarka ku qaaday Hotelka Saxafi ayaa ku labisnaa dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka cusub ee loogu magac daray 14-ka October.

Sawirro laga soo qaaday meydadka ragii hubeesnaa ayaa muujinayay iyaga oo xiran dareeska Ciidanka Milatariga , waxaana dad badan shaki galiyay sida fudud ee Al Shabaab ku helaan mar waliba dareeska kala duwan ee ciidanka dowlada.

Al Shabaab ayaa weeraro badan ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxa ay dagaalyahanooda soo xirteen dareeska kala duwan ee ciidanka dowlada sida Milatariga, Booliiska iyo Nabad sugida.

Waxaa sidoo kale deegaanada Al Shababa maamusho la geeyaa dareeska ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa cusub ee ciidanka loo soo sameeyo, waxaana Saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shababa la arkay iyaga oo xiran dareeska Ciidanka cusub ee 14-ka October.

Dowlada Soomaaliya ayaan inta badan dabagal ku sameyn sida fudud ee Al Shabaab ku hesho dareeska ciidanka, waxaana shacabka ku adag in ay kala aqoonsadaan ciidanka dowlada iyo Shabaab weerarada geesta maadaama isku darees xiran yihiin.

Ciidamada booliiska ee jooga Koontaroolada magaalada Muqdisho ayey ku adkaataa in ay kala aqoonsadaan ciidanka dowlada iyo kuwa Shabaab ee isku dareeska xiran, waxaana ciidanka aysan awood u laheyn celinta ciidamada hubeesan ee magaalada dhax mara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney dishay nin ay saaxiibo ahaayeen kadibna hilbihiisa karsatay !!

Cabdi Cade

Mareykanka oo malaayiin Dollar dul dhigay Macallin Ayman oo ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Soomaali badan oo lagu dilay ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya

admin
Taboola Ads ---