Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ka dhaco dibadbax weyn oo looga soo horjeedo weerarkii habeenno kahor kooxda Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido, halkaas ay ku laayeen dad badan oo shacab ah.
Dowladda Soomaaliya ayaana abaabuleysa bannaanbaxan looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab, waxaana kasoo qeyb galaya dibadbaxa shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir.
Dibadbaxa ayaa ah mid looga dhiidhinayo xasuuqii Al Shabaab ka geesteen xeebta Liido, waxaana la diyaariyay boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , oo caado ka dhigatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
Ammaanka xeebta Liido iyo waddooyinka soo gala ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana halkaasi kusii qulqulaya dadka ka qeybgalaya dibadbaxa looga soo horjeedo falkii arxandarada ahaa ee Al Shabaab ka geesteen xeebta Liido.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com