Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo ku gacan-sayrtay dadaallada Mareykanka & Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jordan, Ayman Safadi ayaa galinkii dambe ee maanta  si deg deg u tagay Tehran, kaddib markii ay shaqeyn waayeen iskudayo inuu dhiggiisa Iran Ali Bagheri Kani wada-hadallo uu labo mar shalay kula yeeshay telefoonka, ku qanciyo inay Iran hoos u dhigto xiisadda gobolka.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka Jordan inuusan Tehran tagin isagoo farriin ka sida Israa’iil, balse wuxuu sheegay si loo joojiyo xiisadda ka sii daraysa ee gobolka in loo baahan yahay joojinta dagaalka Qasa.

Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Iran, Ali Bagheri Kani ayaa u sheegay dhiggiisa Jordan, Ayman Safadi oo gelinkii dambe ee maanta booqasho deg deg ah ku tagay Tehran, si uu ugu qanciyo inay Iran hoos u dhigto xiisadda,  inaysan Iran ka joogsan doonin inay jawaab adag ka bixiso dilka Haniyeh iyo ku xad-gudubka madax bannaanida Iran.

“Waa lagama maarman in jawaab adag laga bixiyo dilka Haniyeh, kamana labalabeynayno” ayuu yiri Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Iran, Ali Bagheri.

Mareykanka iyo waddamada Carabta ayaa bixinaya dadaallo la xiriira inaysan Iran ka bixin dilka Haniyeh  jawaab adag oo ku soo jiida bariga dhexe dagaal weyn.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa ku warramay in Iran ay ku gacan-sayrtay  dadaallada Mareykanka iyo Carabta ay ku doonayeen in ay xakameeyaan jawaabteeda howlgalkii lagu dilay Haniyeh, iyadoo warbixinta ay intaa ku dartay inay Iran si cad ugu sheegtay waddamada Carabta inaysan wax dan ah ka lahayn , haddii jawaabta ay ka bixinayso dilka Haniyeh ay dhaliso dagaal weyne oo wada gaara gobolka.

Shabakadda Bloomberg, ayaa hadda ku warramaysa inay saraakiil sare u sheegeen jawaabta Iran inay soo dhowdahay, waxayna noqonaysa weerarro isku mar ah oo  ka imaanaya gudaha Iran , Xisbullah iyo Xuutiyiinta Yemen.

Related posts

Madaxweyne Deni oo qaabilay madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Qoorqoor iyo guddiga doorashada heer federaal?

Caydiid Ali

Daawo:-Rajo xumo laga muujiyay shirkii Muqdisho & Gabadhii laga soo tuuray dabaqa oo..

admin
Taboola Ads ---