Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo wafdi qarsoodi ah u diray Iran & Warbixino cusub

Wafdi ka socda Mareykanka oo si qarsoodi ah u booqday Iran ayaa saraakiisha dalkaas wada-hadal amnigiisa aad loo sugay kjula yeeshay garoon diyaaradeed oo ku yaalla duleedka magaalada Tehran.

Wafdigan oo ka soo duulay Turkiga ayaa ayaa Iran ka dalbaday iney joojiso duulaanka ay la damacsan tahay Israel, iyagoo taas ku bedelanaya arrimo loo soo bandhigay oo ay ku jiraan in laga qafiifiyo xanibaada dhaqaalaha iyo in dib loo bilaabo wadahadalka heshiiskii Nuclearka Iran ee uu laalay Trump.

Maareykanka ayaa u sheegay iran xog la xiriirta qorshe uu Netanyahu ku doonayo inuu dagaalka gaarsiiyo guud ahaan dalalka Carabta, Turkiga iyo waddamo ka tirsan Afrika, iyagoo uga digay inaaney ku dhicin dabinka Netanyahu oo ay sheegeen iney qorsheynayaan xilka iney ka bedelaan.

Hoggaamiyayaasha Iran iyo Xisbullah ayaa wacad ku maray in ay ka aargudan doonaan dilkii loo geystay taliyihii ugu sareeyay militariga Xisbullah Fu’aad Shukr iyo madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas,Ismaaciil Haniyeh.

Wakaaladda wararka Al Mayadeen, ee ka soo baxda Lubnaan ayaa ku warrantay inay Iran aaminsan tahay dilka Ismaaciil Haniyeh ee Israa’iil inuu ahaa tallaabo ay uga gudubtay khadka cas, jawaabta ay ka bixinayaana ay noqonayso mid ka gudubta khadka cas.

Telefishinka Mareykanka ee NBC News , ayaa ku warramaya inay Israa’iil isku diyaarinayso weerar suurtagal ah oo dhawr maalmood qaadan kara oo ka imaan kara Iran , Xisbullah iyo xulafadooda.

Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta  ka soo ridday Mareykanka diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper , oo qiimaheedu yahay $32 milyan.

Diyaaradda xamuulka qaada Ruushka ee Lyushin, waxay noqotay mid ka mid ah diyaaradaha sida tooska ah dadka ugu badan ay ula socdaan duulimaadkooda, in ka badan 1,300 qof ayaa si toos ah ugala socda barta Flightradar24, sababtoo ah baraha bulshada ayaa si weyn loogu wadaagay inay diyaaradan ka degayso Iran, ayna sidi karto saanad iyo tignoolajiyad militari.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa ku amartay xarumaheeda dibadda oo ay ku jiraan safaaradaha iyo qunsuliyadaha inay feejignaan sare galaan, sababtoo ah waxaa sare martay surtagalnimada inay Iran weerarri karto xarumaha diblomaasiyadda iyo hantida kale ee Israa’iil ay ku leedahay dibadda.

Warbaahinta Iran ayaa ku warramaysa ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran inay maanta xireen taliyihii ciidanka Booliska gaarka ah ee Iran, Xasan Karami oo lagu eedeeyay basaasnimo iyo la shaqeynta Sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Iran oo heshay liiska saraakiisheeda la shaqeeya sirdoonka Israa’iil ee Mossad, waxaana la xirxiray 30 sarkaal iyadoo qaar kale lagu raad joogo, waxaana la soo taagi doonaa Maxkamad hadii lagu helo dembigaasna waxay wajahi doonaan xukun daldalaad ah.

Related posts

Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay rag kufsi iyo dhac geestay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mahadcelisay Kalsooni ay siiyeen Siyaasiyiinta KG

Cabdi Cade

Dowlad diiday in baaritaan caalami ah lagu sameeyo halka uu ka yimid Caronavirus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---