Allbanaadir.com
NEWS

Laamaha amaanka DF oo kulan xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Kulan Ammaanka Caasimadda looga hadlay ayaa waxaa iskugu yimid hay’adaha Amniga Heer Federaal  iyo maamulka gobolka Banaadir kaasoo ka qabsoomay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Sheekh Cismaan Fartaag.

Waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciiidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, Agaasimaha hey’adda Nabad Suggidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha gobolka Banadir Ahna duqa magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale  Madaale.

Inta badan kulanka intuu socday waxaa looga haddlay xaalada Amniga ee Caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo ay hadalka iskaga danbeeyeen madaxdii kulanka kasoo qayb gashay.

Kulanka ayaa yimid 48 saacadood ka dib weerar qaraxyo iyo mid toos ah oo lala beegsaday dadweyne ku fiidsanayey xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho kaasoo sababay geerida 40 qof iyo dhaawaca ka badan 200

Related posts

Full Video:-Maxay Somalia soo bandhigtay Maalintii koowaad dhegeysiga dacwada Badda?

admin

Kenya oo shaacisay in DF ay fasaxday Qaadkii la keeni jiray Soomaaliya

Caydiid Ali

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo baaq u diray xildhibaanada ka maqan kulamada Golaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---