Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo qabatay hub kala duwan & shaqsiyaad (Sawirro)

Ciidamada PMPF oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh kooxaha Daacish iyo Al shabaab iyo hubkii ay wateen.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PMPF ayaa lagu sheegay in shabakaddaasi ay gacanta ku dhigeen Ciidanka sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA kadib hawlgal ciidan oo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso.

“Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh Argagixisada, kuwaasoo lagu soo qabtay walxaha qarxa iyo hubka culus” ayaa lagu yiri Qoraalka PMPF.

Shakhsiyaadka gacanta lagu dhigay ee qaybta ka ah Shabakado lagu raadjoogo ayaa lagu qabtay noocyada kala duwan ee hubka culus, Budada laga Sameeyo walxaha Qarxa, Miinooyin, Bambooyinka gacanta, Hoobiyayaal iyo agabyo kale.

Related posts

Sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab iyo Ilaaladiisa oo hal goob lagu dilay

Cabdi Cade

Dad ka badan toban qof oo isku beel ah oo lagu dilay weerarkii Hotelka Xayaat (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo dad ku dhaawacmay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---