Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo gaaray Miir-taqwo & Biyo-cadde (Sawirro)

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo sii wato safarka shaqo ee uu ku marayo degmooyinka iyo deegaanada goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ayaa maanta isku maray deegaanada Miir-taqwo iyo Biyo-cadde.

Socdaalka Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka, Guddoomiyayaasha Goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Fannaaniin iyo Suxufiyiin.

Maamullada Deegaanada Miir-Taqwo iyo Biyo-Cadde iyo shacabkooda ayaa soo dhaweyn diirran u sameeyay wafdiga Madaxweynaha.

“Maanta oo ay taariikhda tahay 4-ta August-2024 waa degmo Biyo-Cadda waxaana loo dhammeystiri doonaa haddii uu Alle idmo sharciyada degmanimo.” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Gudlaawe) ayaa shacabka Miir-taqwo iyo Biyo-Cadde waxa uu kaaga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdigiisa.

default

Related posts

Laftagareen oo 3 qodob oo Muhiim ah kala hadlay danjire Kate Foster (Sawirro)

Caydiid Ali

Boqortooyada Sacuudiga oo War cusub kasoo saartay arimaha Xajka ee sanadkan

Cabdi Cade

Ciidamada dowladda iyo kuwa Deegaanka oo goordhaw la wareegay Deegaanka Ruun Nirgood

Cabdi Cade