Magaalada Tel Aviv ayaa waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday mindi oo uu fuliyey qof Falastiini ah, waxaana uu halkaas ku dilay laba qof oo Israa’iiliyiin ah.
Adeegga gurmadka deg deg ah ee Israa’iil ayaa sheegay labada qof ee geeriyooday inay ahaayeen dad waayeel ah oo da’da 70 ku jiray halka saddex kale ee ku dhaawacantay weerarka ay ku jiraan xaalad halis ah.
Booliiska ayaa sheegay in ninka ka dambeeyay weerarkan ay toogasho ku dileen.
Booliiska Israa’iil ayaa sheegay qofka ka dambeeyay weerarkii tooreyda ee ka dhacay Tel Aviv oo lagu dilay labo qof, saddex kalana lagu dhaawacay inuu ka yimid Daanta Galbeed ee la heysto ee Falastiiniyiinta.
Xamaas ayaa soo bandhigtay magaca ninkii fuliyay weerarkii tooreyda ee saakay ka dhacay koonfurta Tel Aviv oo lagu dilay 2 Israa’iiliyiin ah 3 kalena lagu dhaawacay.
Amar Odeh, oo ah 34 jir Falastiini ah kana soo jeeda magaalada Salfit ee Daanta Galbeed, oo ay dileen Booliiska Israa’iil ayaa la sheegay inuu fuliyay weerarka oo jawaab u ahaa dambiyada joogta ah ee ay Israa’iil ka geysanayso dhulka Falastiin, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Xamaas.