Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka oo Bariga Dhexe u diray USS Abraham Lincoln iyo saanad dagaal

Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa ku wajahan gobolka bariga dhexe iyo deegaanada ku dhow dhow si ay u xoojiyaan difaaca iyo taageerada Mareykanka ee Israa’iil, iyada oo laga cabsi qabo in Iran ay ku qaado Israa’iil, weerar aargudasho ah oo ka dhan ah dilkii gudaha Tehran loogu geystay Ismaaciil Haniyah, hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa goor dambe oo Jimcihii ah saxeexay amar ku saabsan in saanad iyo awood milateri oo dheeri ah in la geeyo bariga dhexe iyo qaybo ka mida Yurub, ka dib markii Iran iyo xulafadeeda gobolku ay sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin aargudasho ah.

Tallaabooyinka uu Maraykanku qaaday waxaa ku jira, inuu gobolka bariga dhexe u diray markabka weyn ee diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln, oo ay la socdaan maraakiibta ciidamada badda iyo kuwa wax burburiya oo awood u leh inay soo ridaan gantaallada riddada dheer.

Intaas waxaa dheer in Maraykanku uu ciidamo dheeraad ah u dirayo gobolka iyo inuu gobolka geeyo awoodda difaaca gantaallada ee dhulka laga hago.

Arrintan ayaa ku soo beegantay ka dib wadahadal dhinaca telefoonka ah oo dhexmaray wasiirada difaaca ee Maraykanka iyo Isra’el.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo fasiray nuuca Heshiis ay la galeen Itoobiya iyo Danaha ay ka dhax arkeen labada dhinac

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Antalya iyo Xog laga helay Sababta

Caydiid Ali

(Sawirro) Sarkaal ka tirsan Al shabaab & ilaaladiisa oo la dilay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---