Ciidamada booliska ee ka howlgala magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa bilaabay howlgallo ka dhan ah indhoshareerka ay dumarka xirtaan,kaddib markii magaaladaasi laga mamnuucay.
Booliiska Jubbaland ayaa maanta gudaha xaafadaha magaalada Kismaayo ka bilaabay howlgal lagu joojinayo xirashada indha shareerka, waxaana horey loo soo saaray amar lagu mamnuucay in magaalada lagu dhax qaato indhoshareerka.
Indhashareer badan oo ciidamada ka fureen haweenkii watay ayaa lagu gubay goob fagaare ah, waxaana wali magaalada Kismaayo ka socda howlgalka lagu aruurinayo indhoshareerka.
Taliyaha saldhiga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, G/le Dhexe Warsame Axmed Geelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in magaalada laga mamnuucay xirashada indhoshareerka, waxa uuna digniin u diray haweenka xirta indhashareerka.