Allbanaadir.com
NEWS

Safiirka Itoobiya u magacawday Somaliland oo war cusub sheegay

Dowladda Itoobiya ayaa wakiil sida safiir u shaqeenaya u magacawday in uu u fadhiisto magaalada Hargeysa , si uu uga shaqeeyo safiirkaasi xoojinta xiriirka xilligan ka dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda Federaalka Itoobiya.

Madaxtooyada Itoobiya ayaana xaflad u sameesay safiirro dhawaan Madaxweynaha dalka  Itoobiya, Sahlework Zewde, u magacwaday in ay wakiil uga noqdaan qaar kamid ah waddamada caalamka ay ku jirto maamulka Somaliland.

Safiirka cusub ee dawladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland Teshome Shunde, oo ka hadlay xaflada loo sameeyay safiirada uu ku jiro ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Danjire Teshome Shunde, waxa uu sheegay in ay maamulka Somaliland wadaagaan xudduud isla markaana uu ka shaqeyn doono xiriirka dhinaca ammaanka, ganacsiga iyo is-dhexgalka labada dhinac, sidoo kale uu ka shaqeyn doono cilaaqaadka labada shacab ee Itoobiya iyo Somaliland.

Dowladda Itoobiya ayaan safiir u magacwaday Somaliland tan iyo waxii ka dambeeyay markii heshiis dhinaca badda ah la galeen Somaliland, heshiiskaasi ayaana abuuray in ay isku soo dhawaadaan Somaliland iyo Itoobiya ,halka ay ku kala fogaadeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo yeeshay kulan arimo Xasaasi ah uga hadleen (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo la sheegay in Dastuurka iyo Danta Qaranka uu kala weyn yahay Fahad Yaasin

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Afhayeenka Gobolka Banaadir (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---