Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo ka tacsiyadeysay Qaraxii xeebta Liido

Maamulka Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoysaska ay dadkoodii kaga dhinteen iyo kuwii ku dhaawacmay qarixii ka dhacay xalay Xeebta Liido ee magaalada  Muqdisho.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa tacsi loogu diray qoysaska  32-ka qof ee ku dhintay qaraxa argagixiso

“Somaliland waxay garab taagan tahay xilliyada adag qoysaska iyo dhibaneyaasha rayidka ah ee wax ku noqday weerarkaas” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland waxay caddaysay in Xukuumadda Somaliland si weyn uga murugaysan tahay weerarka argagixiso ee Xeebta Liido ku galaaftay dad aan waxba galabsan oo shicib ah, gaar ahaan dhallinyarada.

Related posts

Mareykanka & Israel oo xabad joojin doonaya iyo Xamaas oo shuruudo adag ku xirtay

Caydiid Ali

Dib u dhis lagu bilaabay xaruntii Inji ee laga saaray Ahlu Sunna (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

DEG DEG: RW Rooble oo ka soo horjeestay muddo kororsiga, kuna dhawaaqay doorasho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---