Allbanaadir.com
NEWS

Abiy Ahmed oo ka hadlay Qaraxii Xeebta Liido

RW Itoobiya Abiye Axmed ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay Xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho.

Waxaa uu intaa ku daray inuu aad uga xun yahay falkaas, isagoo sheegay in uu garab taagan yahay Shacabka Soomaaliyeed ee xilliga adag ku jira.

“Waxaaan ka xumahay khasaaraha Nafeed ee Ka dhashay weerarka argagaxisoa ee ka dhacay Xeebta Muqdisho, waxaan duco la garab taaganahay shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda ee dhibtu gaartay” ayuu yiri Abiy oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Addis ababa.

Qarax xooggan iyo weerar toos ah oo ay geysteen kooxo naftood halligeyaal ah ayaa xalay ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku sugnaayeen dhallinyaro si nabad wakhtigooda ugu qaadanayey, waxaana ku dhintay weerarkan dad ku dhow 40 qof, halka qiyaastii 250 qof ay ku dhaawacmeen, waxaana masuuliyada qaraxaas sheegtay.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii 3aad ee ka dhacay Baladweyne & xaalada oo kacsan

Caydiid Ali

Jabuuti oo lagu amray in aysan ka bixin Heshiiskii ay la gashay shirkadda DP World

Cabdi Cade

Mareykanka oo gantaallada difaaca cirka u diraya Isra’il xilli laga cabsi qabo in…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---