Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay falkii bahalnimo ee kooxaha Khawaarijta ah ku xasuuqeen xalay shacab Soomaaliyeed oo ku fiidsanayay xeebta Liido, inuu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban, oo lagu dabargoynayo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

“Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaas oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacmay qaraxa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Macalinka cusub ee Arsenal oo goordhaw si rasmi ah loogu dhawaaqay

Cabdi Cade

Baarlamaanka Cusub ee Galmudug oo maanta yeeshay gudoomiye KMG ah 

Cabdi Cade

Mustafe Cagjar: “Soo-celinta astaamihii Soomaalinimo waa Waxqabadkeena ugu weyn”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---