Qarax miino ayaa saakay haleelay gaari nuuca rakaabka ah oo ay ku safrayeen dad shacab ah , kaa oo marayay xulliga uu qaraxa haleelay deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa la kacay gaari nuuciisa lagu sheegay caasi ama Homy, waxaana gaariga oo ka yimid dhinaca magaalada Jowhar kuna soo jeeday magaalada Muqdisho saarnaa 11-qof oo rakaab ah una badnaa dumar.
Inta la xaqiijiyay qaraxa miino waxaa ku dhintay todobo qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga miinada haleeshay, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay tiro kale oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga qaraxa la kacday.
Al Shabaab ayaana lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxa miino ee la kacay gaariga shacabka saarnaayeen, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo ay kooxda Al Shabaab kasoo saareen qaraxan miino ee maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Qaraxan ayaa imaanaya xilli wali dadka Soomaaliyeed ka murigeysan yihiin weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaa oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo nasiino iyo dalxiis u tagay xeebta Liido.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com