Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo si adag uga hadlay Weerarkii Liido Baaqna diray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay kooxda Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido, waxa uuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii xalay ku dhintay weerarka, waxa uuna caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

Farmaajo ayaana sheegay in weerarka qaraxa ku bilowday ee Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido ay muujineyso cadaawada ay kooxdaasi u qabto shacabka, waxa uuna ku sifeeyay Al Shabaab in ay yihiin kuwa diin iyo damiir aan laheyn oo caadeysay xasuuqa shacabka.

”Goobaha nasashada dadweynaha in weerar iyo qarax ay ku beegsadaan argagixisada Alshabaab waxay muujinaysaa cadaawadda, diin la’aanta iyo damiir xumada arxan laaweyaashan caadeystay xasuuqa iyo gumaadka dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaana ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan, waxa uuna ku booriyay in ay gacan siiyaan laamaha ammaanka Soomaaliya iyo kuwa caafimaadka ee gurmanaya dadka ay waxyeeladu gaartay.

Weerarkii xalay Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah, waxaana lafilayaa in dowladda oo shaaciso tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sirdoonada dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Heshiis gaaray (Sawirro)

Cabdi Cade

War cusub oo kasoo kordhay xaalada Cabdirashiid Janan oo Nolol iyo geeri lagu la’aa

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay in Duqeyn lagu dilay mid kamid ah Salaadiinta Beesha Habar Gidir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---