Ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa xilligan oo saacado tahay 2:45 saq dhaxe soo afjaray weerarkii ay rag hubeysan oo katirsan Al Shabaab caawa ku qaadeen xeebta Liido, gaar ahaan maqaayada Beach View.
Weerar caawa lagu qaaday xeebta Liido ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah, waxaana qaraxa kaddib goobta galay dabley hubeysan oo katirsanaa Al Shabaab, kuwaa oo toogasho ka geestay gudaha maqaayada Beach View , sidoo kale la dagaallamay ciidanka dowladda.
Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarkii ay dableyda ku galeen maqaayada, waxa ayna sheegeen in ciidamada toogteen raggii weerarka geestay oo lagu sheegay in ay ahaayeen shan nin, halka mid kalana uu is qarxiyay.
Weerarka ismiidaaminta iyo midka tooska ah ee caawa lagu qaaday xeebta Liido ayaa sababay dhimashada dad u badnaa dhallinyaro xeebta u tagay in ay waqti iyo nasiino ku qaataan, hasa ahaatee waxaa dadkaasi nolosha u qoonsaday kooxda Al Shabaab.