Xubno kamida dhalinyarada Jubbaland ayaa maanta deeq xoolo ah gaarsiiyay ciidamada maanulka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan furimaha hore ee waqooyiga gobolka Jubbada Hoose.
Dhallinyaradan oo si iskood ah isku xilqaamay islamarkaana gartay muhiimadda ay leedahay in garab istaag loo muujiyo halyeeyada naftooda u huraya difaaca dalka ayaa toban neef oo ari ah ugu deeqay ciidamada.
Saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan deegaannada waqooyi ee Jubbada Hoose ayaa dhallinyarada ka guddoomay deeqda xoolaha ah una mahadceliyay da’yarta isku xilqaamay dhiirigalinta geesiyaasha dagaalka kula jira maleeshiyaadka Al Shabaab.
Ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya ayaa guulo waa weyn ka gaaray dagaallo xoogan ay la galeen kooxda Al Shabaab, waxaana ciidankan dhiirogelin u sameeyay madaxda maamulka Jubbaland iyo Ra’isul Wasaaraha dalka.