Wararka ka imaanaya waqooyiga dalka Mali ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo dhowr maalmood ka socday xadka Mali iyo Aljeria, lagu dilay xubno badan oo katirsan kooxda calooshood u shaqeestayaasha Ruushka kasoo jeeda ee loo yaqaan Wagner.
Fallaagada gooni u goosadka ee ka dagaalanta waqooyiga Mali , ayaa dagaal adag la gashay ciidamada milatariga dowladda Mali oo garab ka helayay kooxda calooshood u shaqeestayaasha ee Wagner, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro badan oo kala gaaray dhinacyada dagaallamay.
War kasoo baxay fallaagada gooni u goosadka ayaa lagu sheegay in ay dileen 84 dagaalyahan oo ka tirsna kooxda Wagner iyo 47 askari oo ka tirsan ciidamada Mali, ka dib dagaal socday muddo saddex maalmood ah oo dhacay dabayaaqada bishii dhammaatay ee July.
Waxa ay sidoo kale sheegeen kooxda gooni u goosadka in ay jiraan askar kale oo la gaarsiiyay dhaawacyo culus iyo sidoo kale gaadiid dagaal oo la gubay, waxa ayna intaa ku dareen in ay jiraan askar gubatay oo meydadkooda la garan waayay.
Dalka Mali waxaa ku sugan xubno badan oo katirsan kooxda Wagner ee kasoo jeeda dalka Ruushka, kuwaa oo dalkaasi u tagay sidii ay garab u siin lahaayeen ciidamada milatariga Mali oo dagaal adag kula jira xoogag hubeysan oo gooni u goosad u dagaallamaya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com