Allbanaadir.com
NEWS

Hakan Fidan oo Booqasho beri ku tagaya Itoobiya xilli la filayo in …

Wasiirka Arrimaha Dibadda  dowladda Turkiga Hakan Fidan ayaa maalinta berri oo Sabti ah lagu wadaa in uu   booqasho ku tago dalka Itoobiya, isagoo la kulmi doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Taye Atkse Selassie iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Hakan Fidan, ayaa madaxda sare ee dowladda Turkiga kala hadli doono xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo arrimo badan oo khuseeya labada dowladood, waxa uu sidoo kale kala hadli doonaa xaaladaha ka taagan geeska Afrika.

Dowladda Turkiga ayaa dhex dhexaadinaysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo xilligan ka dhaxeeyo khilaaf aad u xooggan, iyadoo bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wajiga labaad ee wada hadalada ay isugu yimaadaan wafuud kala mataleysa dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Turkiga ayaa xiriir wannaagsan waxa uu xilligan kala dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa ayna Xukuumadda Ankara ka shaqeeneysaa sidii la isugu soo dhaweyn lahaa labada dal xalna looga gaari lahaa khilaafka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo bogaadiyey dadaallada Xukuumadda Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade

Wiil iyo Adeerkiis oo caawa lagu dilay xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Deni iyo Axmed Madoobe oo go’aan culus qaatay ka dib damaanad-qaad la siiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---