Allbanaadir.com
NEWS

Dal xiray barta Instagram oo tirtay tacsida Haniya

Hay’adda isgaarsiinta ee Turkiga ayaa Jimcihii xannibtay barta bulshada ee Instagram-ka. Maamulka Tiknoolajiyada iyo Isgaarsiinta, ee maamusha internetka, ayaa ku dhawaaqay xannibaadda subaxnimadii hore ee Jimcihii, laakiin ma aysan sheegin sababta.

Wargeyska Sabah, oo aad ugu dhow dowladda, ayaa sheegay in isticmaalka bartan in la xannibay ka dib markii shabakadda Instagram ay meesha ka saartay qoraallo ay soo dhigeen qaar ka mida dadka adeegsada ee ku nool dalka Turkiga kuwaas oo muujinayay sida ay uga xun yihiin dilka hoggaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyah.

Waxay timid maalmo ka dib markii Fahrettin Altun, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee madaxtooyada ahna kaaliyaha madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, uu ku dhaleeceeyay madal ay leedahay Meta inay si ula kac ah uga hor istaagayaan dadka isticmaala adeegyadooda ee ku nool Turkigu inay barahooda soo dhigaan fariimo loogu tacsiyadaynayo hoggaamiyaha la dilay ee Ismaaciil Haniyah.

Si ka duwan xulafadiisa reer galbeedka, Turkigu uma arko Xamaas urur argagixiso. Erdogaan oo aad u dhaleeceeyay dhaq-dhaqaaqa militari ee Israel ka wado Qaza, ayaa kooxda ku tilmaamay “Dagaalyahano xornimo doon ah.”

Dalka Turkiga ayaa maanta oo Jimce ah laga dhigayaa baroor diiq loo samaynayo hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah, iyada oo hoos loo dhigayo qayb ahaan calanka dalkaas.

Related posts

Suldaan Bashiir Muuse oo maanta lagu aasay magaalada Boosaaso (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka oo lagu sifeeyay in uu yahay Doqon

Cabdi Cade

(Sawirro) Maamulka SSC-Khaatumo oo arin cusub ka bilaabay Laascaanod

Caydiid Ali
Taboola Ads ---