Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey duqeyn xalay lagu weeraray Israel

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa inaysan jiri khasaaro ka dhashay ugu yaraan 60 gantaal oo Xisbullah ay ku weerartay xalay saqdii dhexe bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato.

Muuqaallada la daabacay ayaa muujinaya gantaalada oo hawada looga hortagayo, halka ku kalana la sheegay inaysan ka soo gudbin oo ay ku dhaceen xadka Lubnaan.

Xisbullah ayaa sheegtay in weerarkani uusan jawaab u ahayn dilka Haniyeh ama sarkaalkoodii hoggaaminta militariga, taas beddelkeeda, wuxuu jawaab u yahay bay yiraahdeen weerar lagu beegsaday tuulo ku taalla xadka Lubnaan.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa heegan gelisay diyaaradaheeda dagaalka, waxaana la kordhiyay tirada ku duulaysa hawada, halka tiro kalana lagu diyaariyay dhabaha ay ku duulaan.

Mareykanka wuxuu qeyb ka mid ah maraakiibtiisa dagaalka u soo ka xeeyay xeebaha ku dhow Israa’iil, sababtoo ah Israa’iil iyo Mareykanka waxay xaqiijiyeen weerar ay soo qaadi karto Iran.

Related posts

(Sawirro) Deni oo Garowe ku laabtay xili culeysyo badan ay kaga furan yihiin Puntland

Caydiid Ali

Trump oo xaqiijiyey geerida Baqdaadi, faahfaahina ka bixiyey qaabka uu u dhintay

Caydiid Ali

Dowlada oo Qarash badan ku bixisay Fashilinta Banaan baxa Muqdisho laga abaabulayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---