Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Saraakiil Iraniyiin ah fududeeyen dilka Haniya?

Warbaahinta New York Times ayaa baaritaan ay sameysay waxay ku sheegtay howlgalka lagu dilay hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh inuu ahaa mid la qorsheynayey muddo labo bilood ah, iyadoo waqtigaa labo bil ka hor ah la diyaariyay aaladda qaraxa lagu fuliyay meel fog laga hagayay , taasoo lagu qarxiyay qolka uu ku jiray Haniyeh iyo ilaaliyihiisa qaaska ah, weerarkana waxaa lagu koobay kaliya qeybta uu degganaa Haniyeh, markii la hubiyay inuu qolka ku sugan yahay ayaanna weerarka la fuliyay.

Guriga martida ee la dejiyay hoggaamiyaha Xamaas iyo wafdiga Falastiiniyiinta ee ka qeyb galayay calaama-saarka Madaxweynaha Iran ayaa waxaa maamulla oo ilaaliya ciidanka Ilaalada Kacaanka waana qayb ka mid ah dhismo weyn oo loo yaqaan Neshat, oo ku yaal waqooyiga Tehran, sida uu wargeyska warbixintiisa ku sheegay.

Inkasta oo xogo kale duwan wali jiraan haddana 7 Sarkaal Sirdoon oo labo kamid ah ay Iiraan u dhasheen, mid Mareykan ah iyo 5 Sirdoonka Barriga dhexe ah, ayaa xaqiijiyey in Ismaaciil Haniye uu ku dhintay gantaal ay hagaysay aalad (Device) lagu diyaariyey qolkii uu daganaa, muddo 2 bilood laga joogo, xiliga dhimashadiisa kaasoo si xirfadeysan loogu qariyey.

Arrintan ayaa calaamad u ah fashilka buuxa ee sirdoonka iyo ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, kuwaaso mas’uul ka ahaa amniga dhismahan.

Ma jiro wali warbixintan, wax falcelin ah oo ay ka sameeyeen saraakiisha Iran, balse habkaas howlgalka haddii uu u dhacay sida laga soo xigtay saraakiil dhowr ah oo wargeyska uu baaritaankiisa ka soo xigtay, tani waxay abuuraysa in habka dhexgalka Mossad ee Iran uu gaarsiisan yahay wada shaqeyn ay la leedahay saraakiisha leh go’aamada amniga ee Iran, marka loo eego waqtiga dheer ee warbixin lagu sheegay in lagu soo diyaariyay qeyb ka mid ah dhisme amnigiisa la ilaaliyo oo kaddibna lagu guuleystay in la dejiyo Haniyeh, sidaana loo fuliyay howlgalka si fudud oo guul leh.

Baaritaanka Iran ee la xiriira dhacdadan ayaa ah midda la sugayo, sababtoo ah waqti hore Iran ayaa ku eedeysay dilka hoggaamiyaha Xamaas inay fulisay Israa’iil.

Dilka Haniyeh ayaa marag madoon u ah in sirdoonka Israa’iil ay gudaha u galaan Iran

Dilkii Hamas Ismail Haniyeh ee Tehran iyo Fu’aad Shukr ee Xisbullah ee Beirut ayaa hoosta ka xariiqay dadaalka cajiibka ah ee ay Israa’iil ku ururinayso sirdoonnada dalalkaas sida uu qabo Falanqeeyaha sare ee siyaasadda Aljazeera Marwan Bishara.

“Israa’iil waxay gaartay guul weyn oo sirdoon iyo xeelad dagaal oo ka dhan ah Iran iyo Hezbollah,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in ururinta xogaha sirdoon ee lagama maarmaanka u ah hawlgalkan oo kale uu marag u yahay awoodda Israel ee weerarrada istiraatiijiga ah.

Related posts

(Sawirro) Lazarus Chakwera oo loo dhaariyey Madaxweyne ka dib muran doorasho

Caydiid Ali

Musharax Saciid Ciise: “NISA waxay ka digtey waa Fahad Yaasiin oo magacyo badan leh”

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga oo howlgal khasaaro lagu gaarsiiyay Al Shabaab saakay fuliyay

Cabdi Cade