Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Ismacil Haniya oo laga dejiyey Magaalada Doha (Sawirro)

Diyaarad siday Meydka Hogaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay weerar Tehran ka dhacay ayaa maanta oo Khamiis ah ka degtay magaalada Dooxa. Imaatinka meydka ayaa daba socda Janaaso dadweyne iyo baroordiiq oo horay loogu sameeyay dalka Iran.

Haniyeh, oo ahaa hogaamiyihii caanka ahaa ee Xamaas, ayaa subaxnimadii Arbacada lagu dilay weerar lagu qaaday hoyga uu ka degganaa magaalada Tehran, kaasoo mas’uuliyiinta Iran ay ku eedeeyeen Israa’iil.

Dhacdadan ayaa sii xoojisay xiisadda gobolka, gaar ahaan iyadoo ay ku soo beegantay rabshado u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas oo Qaza ka socda.

Baroordiiq iyo Janaaso ka dhacay magaalada Tehran ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u fara badan oo uu ka mid yahay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei oo hogaaminayay ducada Haniyeh. Khamenei ayaa mar sii horreysay wacad ku maray “ciqaab adag” isagoo ka jawaabaya dilka.

Ka dib ducada Tehran, meydka Haniyeh waxaa loo qaaday Qatar, halkaasoo uu musaafuris kula noolaa xubno kale oo ka tirsan xafiiska siyaasadda kooxda Xamaas. Aaska ayaa lagu wadaa in Jimcaha lagu qabto Masjidka Imam Muhammad bin Abdul Wahhab, oo ah kan ugu weyn Doha, iyadoo munaasabada la filayo inay ka soo qeyb galaan shacab ay weheliyaan madaxda dalal kala duwan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Xamaas.

Dilka Haniyeh ayaa yimid wax yar kadib markii uu dil kale ka dhacay gobolka. Isla maalintaas, Israa’iil waxay duqaymo xagga cirka ah ka fulisay Beirut oo ay ku dishay Fu’aad Shukr, oo ahaa taliyihii ugu sarreeyay ee Hezbollah. Dhimashada Shukr ayaa loo aaneynayaa ku lug lahaanshiyaha weerar gantaal ah oo todobaadkii hore ka dhacay buuraha Golan ee ay Israa’iil xoog ku heysato.

Inkastoo Israa’iil aysan si rasmi ah uga hadlin dilka Haniyeh, haddana Xamaas iyo maamulka Iran labaduba waxay ku eedeeyeen Israa’iil inay soo abaabushay weerarkan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA DOHA IYO TEHRAN

Related posts

Aadan Madoobe oo la kulmay Xoghayaha Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclearka (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Istraatiijiyadda uu ku iibinaayo qorshaha muddo kororsiga !!

Cabdi Cade

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia oo la kulmay Dr. Mamunur Rahman Malik (Sawirro)

Caydiid Ali