Allbanaadir.com
NEWS

Waa kuma ninka bedelaya hogaamiyihii la dilay Ismaciil Haniya?

Khaalid Mashcal ayaa la sheegayaa inuu noqonayo Hoggaamiyaha la wareegaya booskii laga dilay Ismaaciil Haniya, wuxuuna hoggaamin doonaa howlaha siyaasadda ee Gobonimo-doonka Falastiin ee halgamaya.

Mashcal ayaa leh Taariikh yaab leh, Israaiil dhawr jeer ayay jid kasta u qaaday sidii ay u dili lahayd, weyse ku fashilantay.

Mar ayay ku sumeysay, gudaha Jordan halkaasoo uu ka dhacay ismaandhaaf weyn oo siyaasadeed, taasoo uu si adag uga jawaabay Boqorkii Jordan.

Keenidiisa xiligan, waxaa loo arkaa inay Falastiin  ciyaarayaan door adag oo xoogan, ayna rabaan isku haynta dagaalka saaxada ka socda iyo kan diblumaasiyada ee adag.

Kooxaha Falastiin ayaa qorta liiska sida sida laysku bedelayo, Haddii geeri ama xaalad deg deg ah timaado.

Ma jirto magacaabiis ama ku dhawaaqis rasmi ah, sababtoo ah muddada lagu jiro tacsida, ma jiro qorshe la xiriira cidda beddelaysa Haniyeh oo ay soo bandhigeen Xamaas.

Netayahu, ayaa ka gaabsaday inuu sheegto dilka Haniyah, bedelkeeda wuxuu ku hanjabay talaabo kasta inay diyaar u yihiin isagoo isku halaynaya taageero xoogan oo ay ka haystaan Reer Galbeedka.

Related posts

Dagaalo ka dhacay duleedka degmada Afgooye & Al-Shabaab oo war ka soo saartay

Caydiid Ali

Muxuu Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay danjire Kate Foster? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ah oo xil u magacaabay qof labo bilood ka hor geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---